Dawladda Soomaaliya oo soo dhawaysay in dambi lagu waayay Soma Oil & Gas
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda Soomaaliya oo soo dhawaysay in musuqmaasuq lagu waayay Soma Oil & Gas

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aankii uu ku laalay xafiiska baaritaanka wax-isdabo marinta culus ee dalka UK, kiiskii musuqmaasuq ee lagu eedeeyay shirkadda Soma Oil & Gas kadib markii loo waayay cadaymo ku filan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Maxamad Mukhtar ayaa BBC-da u sheegay in tani ka caawin doonto dawladdiisa inay si hufan uga shaqayso barnaamijyada ku saabsan baarista iyo wax soosaarka shidaalka ee Soomaaliya si loo hormariyo dhaqaalaha wadanka.

Wasiir Maxamad Mukhtar ayaa u waramay weriyahayaga magaalada Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan