Arsene Wenger oo sheegay in garsooreyaasha loo ilaaliyo sida libaaxyada

Arsene Wenger ayaa guuldarradii soo gaartay dusha ka saar garsooraha Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption Arsene Wenger ayaa guuldarradii soo gaartay dusha ka saar garsooraha

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in garsooreyaasha loo ilaaliyo sida "libaaxyada ku jira beerta xayawaanka.

Wuxuu intaas ku daray in go'aan xumida garsooraha ay horseeday in Manchester City ay Arsenal kaga badiso 2 iyo 1.

Wenger kooxdiisa ayaa hogaanka haysay ka hor inta uusan goosha barbaraha ka dhalinin Leroy Sane, laakiin markii dib loo daawaday waxaa soo baxday in uu wax yar ofsayt ku jiray ama meel khalad ah taagnaa.

David Silva ayaa isna meel khalad ah taagnaa ama ofsayt ku jiray markii uu Raheem Sterling dhaliyay goosha guusha.

Wenger ayaa sidoo kale garsooreyaasha ciyaarta ku eedeeyay guuldarradii ka soo gaartay Everton Talaadadii hore.

Mowduucyada la xiriira