Labada Manchester oo laga yaabo in ay fooda isku daraan Maraykanka

Jose Mourinho oo bidix ka muuqda iyo Pep Guardiola dhanka midig xiga midba mar ayuu badiyay labo kulan oo ay iska hor yimaadeen Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Jose Mourinho oo bidix ka muuqda iyo Pep Guardiola dhanka midig xiga midba mar ayuu badiyay labo kulan oo ay iska hor yimaadeen

Ciyaartii u horaysay ee labada Manchester ay ku yeeshaan meel ka baxsan Ingiriiska ayaa laga yaabaa in ay ka dhacdo dalka Maraykanka xagaaga soo socda.

Kooxda Man City ee uu tabobaro Pep Guardiola iyo kooxda Manchester United ee uu layliyo Jose Mourinho ayuu qorshuhu ahaa in ay ku ciyaaraan magaalada Beijing bishii todobaad ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee roobab mahiigaanno ah oo ka da'ay caasimadda Shiinaha ayaa sababay in garoonkii Bird's Nest ee lagu balan sanaa uu noqdo mid aan lagu ciyaari karin.

Waxaana ciyaartaas la baajiyay lix saac uun ka hor markii ay billaaban lahayd.

Kulanka Beijing wuxuu qayb ka ahaa ciyaarihii saaxiibtinimada ee sanadkan 2016.

Labadan kooxood ee ka dheela Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa Maraykanka tagi doona bisha todobaad ee sanadka soo socda arrintaas oo qayb ka ah u diyaar garawga xilli ciyaareedka 2017-ka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyay arrintaas laakiin waxaa la filayaa in labadooduba ay ka qayb qaataan koobka sanadlaha ah ee International Champions Cup.