Everton oo ku rajo wayn in Lukaku uu qandaraas cusub sixiixo

Chelsea oo horay u iibisay Lukaku ayaa la sheegay in ay hadda danaynayaan Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Chelsea oo horay u iibisay Lukaku ayaa la sheegay in ay hadda danaynayaan

Kooxda Everton ayaa ku rajo wayn in Romelu Lukaku uu saxiixi doono qandaraas cusub oo wakhti dheer ah kaas oo ka dhigi doona ciyaaryahanka qaata mushahaarka ugu badan ee ay kooxdu waligeed bixiso.

Wakiilka Lukaku ayaa la fahamsan yahay in uu wadahadal kula jiro Farhad Moshiri oo leh saamiga ugu badan kooxda.

Qandaraaska uu hadda haysto ayuu saxiixay markii uu Chelsea ka soo tagay bishii 7 ee sanadkii 2014-kii isaga oo ay kooxdu ka soo bixisay 28 milyan oo gini, taas oo ahayd lacagtii ugu badnayd abid ee ay ciyaartoy soo siistaan.

23 jirkan ayaana todobaadkaste qaadanayay lacag ku dhaw 75,000 oo gini.

Waxaa la rumaysan yahay in heshiiskan cusubna uu todobaad walba ka heli doono ku dhawaad 100,000 oo gini.

Lukakaku ayaa qandaraas haysta ilaa 2019-ka laakiin waxaa lagu rajo waynyahay in uu saxiixo qandaraas la sii wanaajiyay arrintaas oo wax wayn uga dhigan tababare Ronald Koeman si u xoojiyo dhismaha kooxdiisa.

Lukaku ayaa 9 gool dhaliyay 15 kulan oo uu kooxdiisa uga dheelay Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan.

Macallinka Everton, Koeman ayaa Lukaku u sheegay in aan loo ogolaan doonin in uu kooxda ka tago inkastoo ay danaynayaan kooxaha Juventus iyo kooxdiisii hore ee Chelsea.