Pep Guardiola: City way "ku adkaan doontaa" in ay Chelsea koobka ka hor istaagto

Tabobaraha Manchester City, Pep Guardiola Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tabobaraha Manchester City, Pep Guardiola

Tabobaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku adkaan doonto in ay soo qabato kooxda Chelsea oo hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska.

City ayaa kaalinta labaad gashay ka dib markii ay 3-0 kaga adkaatay Hull City, kooxda Chelsea ayaase 7 dhibcood ka sii koraysa.

Kooxda Chelsea ee uu layliyo Antonio Conte ayaa iyagana 3-0 kaga badiyay Bournemouth.

Waxay badiyeen 12 ciyaarood oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, taas oo ka dhigan in Chelsea ay xariiqday taariikh cusub oo aysan waligeed horay u samaynin.

Pep Guardiola oo raaligelin bixiyay

Mourinho: United waa kooxda ugu nasiibka xun

Guardiola ayaa sheegay in Chelsea iyo Liverpool uu dhexyaallo horyalka maadaama oo aysan ka qaybqaadanaynin Horyaalka Yurub oo uusan dhankaas cadaadis ka haysanin.

Manchester City ayaase la dheeli doonta kooxda Monaco 21 bisha labaad ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2017-ka, ciyaartaas oo ka tirsan wareega 16 kooxood ee Horyaalka Yurub.