Swansea oo eriday tababarihii

Bradley ayaa 85 maalmood oo kaliya tababarayey kooxda Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bradley ayaa 85 maalmood oo kaliya tababarayey kooxda

Kooxda Swansea ayaa eriday tababarihii Ameerikaanka ahaa ee kooxda laylinayey, Bob Bradley, kaasoo 85 maalmood oo kaliya tababare u ahaa.

Guddoomiyaha kooxda, Huw Jenkins, wuxuu sheegay in ayadoo kala barkii horyaalka la marayo ay la noqotay in isbeddel ay sameeyaan si ay uga soo kabsadaan guuldarrooyinkii badnaa ee soo gaaray.

Kooxda ayaa hadda kaalinta 19-aad kaga jirta horyaalka Ingiriiska, waxaana gurigooda 26 Disembar 4-1 ugu awood sheegatay Westham, taasoo keentay in degdeg go'aan looga gaaro Bradley.

Bradley ayaa hore u soo leyliyey kooxaha Stabaek oo ka dhisan Norway, iyo Le havre oo ka dhisan Faransiiska, ka hor intii uusan beddelin Francesco Guidolin 3-dii Oktoobar.

Wuxuu hore u soo tababaray xulka Masar iyo Xulka dalkiisa Maraykanka oo uu soo gaarsiiyey cayaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Confederations Cup ee 2009 lagu qabtay Koofur Afrika.