Swansea oo tababare cusub raadinaysa

Ryan Giggs wuxuu ka mid yahay ragga ugu cadcad xilka tababarenimada Swansea Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ryan Giggs wuxuu ka mid yahay ragga ugu cadcad xilka tababarenimada Swansea

Kooxda Swansea ayaa rajaynaysa in tababare cusub ay kooxda yeelato wixii loo gaaro Isniinta.

Ragga aadka loo hadal hayo waxaa ka mid ah laacibkii kooxda Manchester United, Ryan Giggs iyo tababaraha kooxda Wales Chris Coleman.

Waxaa kaloo iyagana uu hunguri kaga jiraa tababarihii hore ee Leicester Nigel Pearson, macallinkii hore ee Crystal Palace Alan Pardew. Gary Rowett oo hore tababare ugu ahaa Birmingham city ayaa isna la hadal hayaa.

Giggs oo 43 jir ah ayaa hore loo waraystay laba goor.

Kooxda waxaa hore u laylin jiray Bob Bradley oo Talaadadii la eryey, ka dib 85 maalmood oo u tababare u ahaa.

Cidda beddeli doonta ayaan la filayn inay hawsha la wareegto ka hor cayaarta ay la yeelan doonaan Bournemouth maalinta sannadka ugu dambaysa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan