Veron oo garoommada ku soo noqonaya

73 kulan ayuu u saftay xulka dalkiisa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 73 kulan ayuu u saftay xulka dalkiisa

Laacibkii khadka dhexe ee xulka Arjantiin iyo kooxda Manchester United, Juan Sebastian Veron, oo cayaaraha ka fariistay ayaa dib garoommada ugu soo noqonaya isagoo 41 jir ah.

Veron wuxuu heshiis 18 bilood ah la saxiixday kooxda Estudiantes oo safka hore kaga jirta horyaalka K/cagta ee Arjantiin. Isla kooxdaas ayuu Veron guddoomiye u yahay.

Veron oo cayaaraha ka fariistay 2 sano ka hor, ayaa ballan qaaday inuu cayaari doono 2017-ka koobka la yiraahdo Copa Libertadores haddii taageerayaashu ay iibsadaan 65% tikidhada garoonka, wuxuuna intaa raaciyey inuu mushaarkiisa ugu deeqi doono naadiga.

Naadiga ayaa bartiisa Internetka lagu sheegay inuu sidoo kale kooxda u safan doono tartammada horyaalka.