Horyaalka Jubbaland oo billaabanaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Horyaalka Jubbaland oo billaabanaya

Muddo 40 sano ka badan ayaa markii ugu horraysay waxaa magaalada Kismaayo ka furmaya horyaalka K/cagta Jubbaland.

Jubbada hoose ayaa waxaa aad loogu xusuustaa ciyaarihii gobollada oo ay kaalimmo hore kaga jirtay, tartankanna waxaa ka qayb galaya 8 kooxood.

Ujeeddada ayaa lagu sheegay inay tahay in la helo kooxo deegaannadaas uga qayb gala tartanka horyaalka K/cagta ee Soomaaliya.

Cabdiqani Siciid Carab waa guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta ee Soomaaliya, wuxuuna tartanka furmaya uga warramay weriyaha BBC, Bashiir Maxamed Caato.