Pep Guardiola oo ah macallimka Mam City oo sheegay inuu xirfadda tababarenimo ka fariisanayo

Pep Guardiola, macallimka Manchester City Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Pep Guardiola, macallimka Manchester City

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay inuu "ku dhowyahay dhammaadka" xirfadiisa tababarenimo.

Wuxuu tilmaamay in uusan macallim sii ahaan doonin illaa uu ka gaaro 65 sano.

Macalimkan oo u dhashay Spain wuxuu horey u soo leyliyay Barcelona iyo Bayern Munich ka hor intuusan bedelin macallimkii hore ee Machester City, Manuel Pellegrini xagaagii aanu soo dhaafnay.

"Waxaan joogi doonaa Manchester City, seddaxda xilli ciyaareed ee soo socda, wayna ka badan kartaa," ayuu yiri Guardiola oo 45 sano jir ah.

Guardiola oo Barcelona ku amaanay ciyaar wanaag

Khilaaf u dhaxeeya Toure iyo Guardiola

Labada Manchester oo laga yaabo in ay fooda isku daraan Maraykanka

Hadalkaas ayuu jeediyay ka dib ciyaartii shalay ee kooxdiisa 2-1 ay ku garaaceen Burnley.

"Halkan ma fadhin doono illaa aan ka gaaro 60 ama 65-sano. Waxaan dareemaayaa macsalaameynteyda inay xilliganba billaabatay." Ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu horey guulo u gaarsiiyay kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo horyaalka Yurub uu la qaaday.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan