Arsene Wenger oo ka cawday jadwalka ciyaaraha

Arsene Wenger Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tabobaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa rumaysan in jadwalka xilli ciyaareedkan uu yahay kii ugu xumaa ee soo mara muddo 20 sano ah.

Arsenal ayaa Axaddii garaacday Crystal Palace haddana waxay Talaadada la ciyaari doontaa Bournemouth oo garoonkeeda lagu dheeli doono, halka Chelsea oo Sabtidii badisayna ay ka ciyaari doonto Arbacada.

Isaga oo ka hadlayay heshiisyada xuquuqaha TV-yada ee lacagtoodu badan tahay, ee uu galo Premier League, kaas oo Wenger kooxdiisu aysan ku guulaysanin tan iyo sanadkii 2004, ayuu intaa ku daray "magaranayo in Premier League uu wali yahay kan haga jadwalka".

Arsene Wenger oo sheegay in garsooreyaasha loo ilaaliyo sida libaaxyada

Arsene Wenger oo ammaan kala dul dhacay ciyaartoyda Afrikaanka ah

Wuxuu sheegay in ay tahay in ay aqbalaan in TV-yadu doortaan maalmaha ay ciyaaruhu dhacayaan balse ay taasi keenayso in kooxaha qaar ay ka nasiib bataan kuwa kale.

Guushii ay Crystal Palace ka soo hoyiyeen ayaa Arsenal u horseeday in ay kaalinta afraad gasho, waxayna sagaal dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo Arbacada dheeli doonta.