Cristiano Ronaldo oo Lionel Messi uga guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican caalamka

Cristiano Ronaldo wuxuu sanadkii tagay kaalin ka ciyaaray in Real Madrid ay ku guuleysatay koobka kooxda caalamka Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Cristiano Ronaldo wuxuu sanadkii tagay kaalin ka ciyaaray in Real Madrid ay ku guuleysatay koobka kooxda caalamka

Cristiano Ronaldo waxaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ka dib xaflad ka dhacday Zurich oo lagu gudoonsiiyay abaalmarinta FIFA.

Ronaldo oo u dheela Real Madrid iyo xulka qaranka Boortoqiiska, wuxuu abaalmarintan uga guuleystay ciyaaryahanka Barcelona ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann oo u ciyaara Atletico Madrid.

Ronaldo oo ku guulaystay abaalmarinta Ballon d'Or

Real Madrid oo ku guulaystay koobka kooxaha aduunka

Ronaldo ayaa sidoo kale dhowaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, asigoo lagu sharfay inuu Real Madrid kula guuleystay Champions League, iyo xulka qarankiisa oo uu la qaaday koobka Euro 2016.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Carli Lloyd oo heshay abaalmarinta gabdhaha kubadda cagta

Carli Lloyd oo u dhalatay Mareykanka ayaa loo cumaamaday gabadha ciyaaryahan ee dunida ugu wanaagsan.

Ronaldo oo loo soo bandhigay inuu Shiinaha u wareego

Ronaldo: 'Waxaan doonayaa in aan 10 sano sii cayaaro'

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Claudio Ranieri wuxuu sanadkii tagay ku guuleystay horyaalka Premier League

Macallimka kooxda Leicester, Claudio Ranieri ayaa noqday tababaraha ugu fiican ragga.

Tababarihii hore ee gabdhaha Silvia Neid ee Jarmalka ayaa abaalmarinta dumarka macallimiinta ah ku guuleysatay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan