Manchester United iyo Wigan Athletic oo koobka FA isku arki doona

Manchester United ayaa bishii shanaad ee sanadkii hore ku guulaysatay koobkii 12naad ee FA ah ka dib markii ay ka badisay Crystal Palace Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Manchester United ayaa bishii shanaad ee sanadkii hore ku guulaysatay koobkii 12naad ee FA ah ka dib markii ay ka badisay Crystal Palace

Kooxda Manchester United oo haysta koobka FA Cup ayaa gurigeeda ku martigalin doonta Wigan Athletic oo isla koobkan ku guulaysatay sanadkii 2013kii, ciyaartaasi ayayna ugu tartamayaan wareegga afraad.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City waxay marti u noqon doontaa Derby County, Chelsea-na waxay magaalada London isku hardiyi doonaan Brentford

Millwall oo ka tirsan League One oo garaacday Bournemouth waxay abaaalgud u heshay in ay gurigeeda ku qaabisho Watford oo iyadana ka dheesha Horyaalka Ingiriiska.

Liverpool-na ciyaar lug labaad ah waxaay la dheeli doontaa Plymouth oo ay barbaro soo galeen oo ka dheesha koobka League Two.

Sutton United waxay la dheeli doontaa Leeds United waase haddii ay soo badiyaan lugta labaad ee ay wada dheeli doonaan AFC Wimbledon.

Wareega afraad waxaa wada dheella 32 kooxood, dhamaan kooxahaasina waxay wada dheelli doonaan 27 ilaa 30-ka Janaayo.

Isku aadka kooxaha oo dhamaystiran

Tottenham Hotspur iyo Wycombe Wanderers

Derby County iyo Leicester City

Oxford United iyo Newcastle United ama Birmingham City

AFC Wimbledon ama Sutton United iyo Leeds United

Plymouth Argyle ama Liverpool iyo Wolverhampton Wanderers

Southampton ama Norwich City iyo Arsenal

Lincoln ama Ipswich iyo Brighton

Chelsea v Brentford

Manchester United iyo Wigan Athletic

Millwall iyo Watford

Rochdale iyo Huddersfield Town

Burnley ama Sunderland iyo Fleetwood ama Bristol City

Blackburn Rovers iyo Barnsley ama Blackpool

Fulham iyo Hull City

Middlesbrough iyo Accrington Stanley

Crystal Palace ama Bolton iyo Manchester City