Louis van Gaal oo tababarenimada ka fariistay

Louis Van Gaal Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Van Gaal ayaa sidoo kale soo layliyay kooxaha Ajax, Barcelona, Bayern Munich iyo AZ Alkmaar.

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Netherlands, Louis van Gaal, ayaa sheegay in uu ka fariistay shaqada tababarenimada ka dib 26 sano oo uu kusoo jiray.

Van Gaal, oo 65 jir ah ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii ay eriday Manchester United, saacado ka dib markii uu ku guuleystay koobka FA bishii May 2016.

Van Gaal ayaa sidoo kale soo layliyay kooxaha Ajax, Barcelona, Bayern Munich iyo AZ Alkmaar.

Go'aanka uu kaga fariisanayo tababarenimada ayaa waxa uu shaaciyay Isniintii shalay ahayd, ka dib markii ay dowladda Netherlands gudoonsiisay abaalmarin lagu maamuusayo guulihii uu gaaray.

Waxa uu tilmaamay in go'aankiisa uu la xiriiro arrimo dhanka qoyskiisa ah, ayadoo wargeyska De Telegraaf uu qoray in geeri degdeg ah oo bishii hore ku timid wiil uu sodog u yahay ay arrintaasi ku dhalisay.

Macallinkan Netherlands u dhashay, ayaa dhanka kale shaaciyay in uu diiday dalabyo lacag badan watay oo uga yimid Bariga Fog, oo uu ula jeedo Shiinaha.