Masar oo ciyaaryahan caan ah ku dartay liiska argagixisada

Qaar ka mid ah taageerayaasha Aboutrika ayaa ka carooday in uu si rasmi ah u taageeray Mursi sanadkii 2012kii. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaar ka mid ah taageerayaasha Aboutrika ayaa ka carooday in uu si rasmi ah u taageeray Mursi sanadkii 2012kii.

Dawladda Masar ayaa liiska dadka argagixisada ah ku dartay Maxamed Aboutrika oo ah ciyaar yahan hore oo caan ah, isaga oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay ururka la mamnuucay ee Akhwaanul Muslimiin sida uu sheegay qareenkiisu.

Aboutrika ayaa lagu eedeeyay in uu dhaqaale ku taageeray ururka Akhwaanul Muslimiin oo dawladda Masar ay u aragto urur argagixiso ah.

Sanadkii 2012kii wuxuu si rasmi ah u taageeray ol'olihii lagu doortay madaxwayne Maxamed Mursi oo xubin ka ahaa Akhwaanul Muslimiin.

Arrintan ayaa ka caraysiisay qaar ka mid ah taageereyaasha ciyaaryahankan oo mar ku guulaystay 2008dii Billadda ay BBC bixiso ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika.

Ciyaaryahan Turki ah oo lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay

Qof kaste oo dawladda Masar ay liiska argagixisada ku darto waxaa lagu ganaaxaa in uu san dalka ka bixi karin waxaana laga xayiraa baasaboorkiisa iyo hantidiisa.