Gabon-tii martida loo ahaa oo ka hartay Koobka Afrika

Pierre-Emerick Aubameyang Lahaanshaha sawirka .
Image caption Pierre-Emerick Aubameyang

Kulanka xalay dhexmaray Gabon iyo Kaameruun ayaa ahaa mid xiisi badan, iyadoo dalka tartanka martigelinayay uu ku rajo weynaa in uu u gudbo rubux dhammaadka.

Balse in kastoo dadaal dheeri ah ay sameeyeen ciyaartooyda Gabon, gaar ahaan laacibka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haddana waxaa u suurageli weyday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Aubameyang oo u dheela kooxda Borussia Dortmund ee Jarmalka ayaa waxa uu ka mid yahay weeraryahannada xilligan ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Xulka Gabon ayaa hadda ku biiraya xulalka Tunisia, Ivory Coast iyo Itoobiya kuwaas oo u gudbi waayay rubuc dhammaadka Koobka Qaramada Afrika xilli ay martigelinayeen.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Adolphe Teikeu (bidix) iyo Benjamin Moukandjo oo u dabaaal dagaya in Kameroon ay ka mid noqotay 8 kooxood ee wareega xiga isugu soo hari doona

Ciyaarta xalay ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqday goolyaha Kaameruun, Fabrice Ondoa kaas oo wacadaro soo bandhigay.

Xulalka hadda u gudbay rubuc dhammaadka Koobka Qaramada Afrika ee 2017ka ayaa kala ah:

Senegal, Kaameruun, Ghana iyo Burkina Faso

Caawana waxaa dhici doona laba kulan oo ay isku arkayaan

Senegal iyo Algeria

Zimbabwe iyo Tunisia