Ivory Coast oo ka hartay Koobka Qaramada Afrika

Morocco oo reebtay Ivory Coast Lahaanshaha sawirka .
Image caption Rachid Alioui ayaa goolka qura u dhaliyay Morocco

Xulka Morocco ayaa xalay 1-0 ku reebay kan Ivory Coast, oo difaacanayay koobka Qaramada Afrika.

Rachid Alioui ayaa darbo meel dheer ah ku luxay shabaqa Ivory Coast, waxaana sidaa ay guusha ku raacday xulka Morocco oo uu laylinayo Herve Renard, kaasoo sanadkii 2015 koobka u qaaday Ivory Coast.

Ivory Coast ayaa xalay u baahneyd guul si ay u gaarto rubuc dhammaadka tartanka, balse ciyaarta ay soo bandhigeen ayaa ahayd mid aan soo jiidasho lahayn.

Morocco ayaa u labayn kartay Ivory Coast, balse waxaa fursad gool lagu dhalin karay ka khasaariyay Hamza Mendyl oo ah 19 difaaca uga dheela xulkaasi.

Morocco waxa ay ciyaarta xigta la dheeli doontaa waddanka kaalinta koobaad kaga soo baxa "Group D".

Xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo oo 3-1 xalay uga badiyay Togo, ayaa isna kaalinta koobaad kaga soo baxay "Group C".