Philippe Coutinho oo heshiis cusub oo shan sano ah u saxiixay Liverpool

Philippe Coutinho iyo Tabaraha Liverpool Jurgen Klopp Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Philippe Coutinho iyo Tabaraha Liverpool Jurgen Klopp

Weeraryahanka kooxda Liverpool, Philippe Coutinho ayaa saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah, wuxuuna noqonayaa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda.

Wuxuu mushaarkiisa isbuucii noqonayaa £150 kun, taas oo ka dhigeysa inuu noqdo mushaarkii ugu sareeyay ee Liverpool ay bixiso.

Ciyaaryahanka 24-sano jirka ah ee u dhashay Brazil ayaa Liverpool kaga soo biiray dhanka Inter Milan, bishii January ee 2013kii. Heshiiska cusub ayaa waxa uu dhammaanayaa sanadka 2022-ka.

Coutinho wuxuu dhaliyay 34 gool, wuxuuna Liverpool u ciyaaray 163 kullan.

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Coutinho wuxuu dhaliyay 34 gool, wuxuuna Liverpool u ciyaaray 163 kullan.

"Waa kooxda aan aadka ugu faraxsanahay, tanina waxay muujineysaa inaan u jeclahay halkan," ayuu u sheegay bogga internetka ee kooxda Liverpool.

Lama soo bandhigin heshiiska cusub ee Coutinho uu saxiixay, kaa soo si rasmi ah u dhaqan galaya horraanta bisha July ee sanadkan.

Coutinho, oo dhowr jeer lala xiriiriyay inuu aadayo kooxda Barcelona ayaa yiri: "Waxaan saxiixay qandaraas cusub oo aan halkan ku joogayo sanado kale, waxayna iitahay sharaf weyn."

Coutinho waxaa garoonka Anfield keenay tababarihii hore Brendan Rodgers, xilligaas oo xittaa Southampton ay raadineysay.

Wuxuu hadda yahay mid ka mid ah ciyaaryahannada ay Liverpool ku tashato.

Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp, wuxuu rumeysan yahay in go'aankiisa uu qandaraaska ku saxiixay ay direyso farriin culus.

Coutinho ayaa dhowaan ka soo noqday dhaawac anqowga ka gaaray. Lix gool ayuu dhaliyay 14 kii ciyaarood ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan.