Masar oo u gudubtay wareegga siddeeda kooxood ee tartanka Afcon 2017

Maxamed Salax oo ciyaaryahanada kale ay ku wareegsan yihiin ka dib markuu gool dhaliyay Lahaanshaha sawirka JUSTIN TALLIS
Image caption Maxamed Salax oo ciyaaryahanada kale ay ku wareegsan yihiin ka dib markuu gool dhaliyay

Xulka qaranka ee Masar ayaa gaaray wareegga sideedda kooxood ee tartanka qaramada Afrika, sidoo kale Ghana ayaa wareegaas u gudubtay.

Maxamed Salax ayaa gubad xor ah oo loo dhigay dulmariyay ciyaaryahannada difaaca ee Ghana taas oo keentay in Masar ay 1-0 ku adkaato.

Ciyaaraha kubada cagta ee gabdhaha ee Olibikada ka furmay Rio

Isku aadka xulalka ee AFCON 2017

Balse Daniel Amartey ayaa beerdareeyay fursad aad u wanaagsan oo Ghana soo martay, ka dib markuu si qalad ah madaxa ugu dhuftay kubad uu soo tuuray Christian Atsu.

Lahaanshaha sawirka JUSTIN TALLIS
Image caption Ciyaaryahanada Masar waxay ogaayeen inay hal dhibic ku soo bixi kareen, balse badinta ayaa ka dhigtay inay group-ka ay ugu horeeyaan

Natiijada macneheedu wuxuu yahay in Masar ay fooda is dari doonaan Moroko, halka Ghana ay la ciyaari doonto DR Congo, kulamada Axadda.

Koobka Africa: Riad Mahrez 'eedda anagaa leh'

Masar ayaa guul u aragto inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee Ghana ka badiso tan iyo markii ay bilowdeen ciyaaraha ka socda Gabon.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan