Robert Snodgrass oo ku biiray West Ham

Snodgrass Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Snodgrass ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannada ugu wanaagsan Hull City

Kooxda West Ham ayaa dhamaystirtay lasoo wareegidda laacibka khadka dhexe uga dheela Hull City, Robert Snodgrass, kaasoo ay ka bixisay lacag dhan £10.2 milyan.

Ciyaaryahankan Scotland u dhashay ee 29 jirka ah, ayaa heshiis saddex sano iyo bar ah la galay kooxda ku dheesha garoonka London Stadium.

"Aad baan u faraxsanahay, West Ham waa naadi weyn oo taariikh leh," ayuu yiri Snodgrass, oo 7 gool u dhaliyay 20 kulan oo uu horyaalka xilli ciyaareedkan uga saftay Hull City.

Waa laacibkii labaad ee ay kooxdaasi lasoo wareegto bishan, waxaana ka horeeyay Jose Fonte oo difaaca uga dheeli jiray Southampton.

West Ham ayaa waxaa laacibkan kula tartamayay kooxaha Burnley iyo Middlesbrough, waxaana suuragal ah in uu u safto macallin Slaven Bilic kulanka uu Arbacada la yeelan doono kooxda Manchester City.