Masar oo gaartay fiinaalka Koobka Qaramada Afrika

Masar Fiinaal Lahaanshaha sawirka Gabriel Bouys
Image caption Masar ayaa markii 9-aad gaartay fiinaalka koobka Qaramada Afrika

Xulka Masar ayaa noqday kii ugu horreeyay ee gaara ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Qaramada Afrika.

Waxa uu rigoorayaal uga badiyay xulka Burkina Faso, ka dib markii ay isla dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah.

Goolhaye Essam El Hadary ayaa gool ku laad ka qabtay Bertrand Traore, sidaasi ayayna guusha ku raacday Masar.

Masar ayaa hadda sugeysa xulka kasoo baxa ciyaarta caawa dhexmari doonta kooxaha Ghana iyo Cameroon.

Goolhaye El Hadary ayaa hadda fursad u haysta in uu dalkiisa u qaado koobkii shanaad ee tartankan ah.