Barcelona oo 2-1 kaga badisay Atletico Madrid

Lionel Messi ayaa dhaliyay 30 gool isagoo xilli ciyaareedkan saftay 29 kulan Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Lionel Messi ayaa dhaliyay 30 gool isagoo xilli ciyaareedkan saftay 29 kulan

Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa goolal shabaqa ku hubsaday iyadoo ay Barcelona 2-1 kaga badisay Atletico Madrid is aragii koobaad ee koobka Copa del Rey afar dhamaadkiisa.

Luis Suare ayaa goosha koobaad u dhaliyay kooxdiisa oo koobkan difaacanaysa isaga oo bartanka kala orday ka dibna si qurux badaan u dhamaystiray.

Lionel Messi ayaa goosha labaad u dhaliyay.

Laakiin Antoine Griezmann ayaa rajo galiyay kooxdiisa ka dib markii uu gool u dhaliyay daqiiqaddii 59aad, isaga oo meel dhaw madaxa kaga hubsaday.

Lugta labaad ee ciyaartu waxay ka dhici doontaa garoonka Nou Camp Talaadada.

Labada kooxood ee kale ee ku loolamaya afar dhamaadka ayaa kala ah Alaves iyo Celta Vigo lugtooda horana waxay kulmi doonaan Khamiista.