Sida Burnley ay u muujisay meesha difaaca Chelsea uu ka dabacsan yahay

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte

Kooxo badan maysan tijaabin dabacsanaanta seddaxda difaaca ah ee Chelsea, xilli ciyaareedkan.

Balse kooxda Burnley ayaa tijaabo ku sameysay sida shaxda tababare Antonio Conte looga dhex baxo.

Burnley ayaa ku wanaagsaneyd ciyaartii shalay ee 1-1 ka ku dhammaatay.

Antonio Conte oo sheegay in uu Tottenham ay ka mid tahay lixda kooxood ee Horyaalka isku haya

Fabregas oo meesha ka saaray in aysan isku wanaagsanayn Antonio Conte

Waxay aad u bartilmaameedsadeen dhanka bidix ee kooxda Chelsea, halkaas oo difaac ahaan aad u nugul marka loo eego dhanka midigta.

Eden Hazard wuxuu aalaaba dhex wareegaa dhexda dhanka bidix, si ka duwan Pedro uu dhanka midig u joogo, taas oo ah waxa ay Burnley fahantay ayna kaga faa'ideysatay inay Chelsea ku qalqal geliso.

Lahaanshaha sawirka BBC Sports
Image caption Shaxda ciyaareed ee kooxda Chelsea ee 3-4-3 ah, taas oo aalaaba ay ku dheelayeen xilli ciyaareedkan.

Iskudeyga Burnley wuxuu sababay in difaaca dhanka midig, Marcus Alonso uu bidixda u soo dhowaado si uu qulqulka kooxdaasi u hor istaago.

Balse, maadaama Hazard uu dhankaasi bidixda ka ciyaarayay Alonso mararka qaar way ku adkaaneysay inuu ka hortago orodka ciyaartoyda Burnley.

Mararka qaarna wuxuu dhankaasi ku noqonayay keligii, waana meesha laga jabsaday The Blues.

Alonso sidoo kale uma xoog badna sida Victor Moses, marka ay timaado caawinta weerarka iyo dhexda.

Liverpool oo garaacday Chelsea

Wenger "oon akhrin doonin" buugga Mourinho

"Waan eegay waxaana fahmay inuu Alonso ku wanaagsan yahay dhanka midigta", ayuu yiri Ruud Gullit.

"Waa meel dabacsan oo laga weerari karo, waa haddii kooxaha kale ay ogaadaan arrintaasi, ayna kubadda ka helaan Alonso gadaashiisa".

"Laakiin waxay u baahan tahay degdeg iyo dhowr ciyaartoy oo isku xiran".

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Burnley waxay ku ciyaareysay shaxda ah 4-4-2, taas oo aalaaba ay uga hortagto kooxaha waaweyn ee Premier League-gga.

Burnley waxay arrintaas ku maareysay ciyaaridda kubad dhaadheer oo loo tuurayay Andre Gray taas oo sababtay in Gary Cahil iyo David Luis ay meel furan ku soo baxdo, ayna ka gudbaan meeshii ay ka ciyaari jireen.

Hadaba, Burnley farsamadoodii Axaddii way guuleysatay, waxayna hoos u dhigeen Chelsea. Sidoo kale dhaqan ahaan way u dejiyeen kubadda kooxda The Blues.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan