Manchester City oo sare usoo kacday

Raheem Sterling Lahaanshaha sawirka .
Image caption Raheem Sterling ayaa si weyn uga dhex muuqday ciyaarta xalay

Kooxda Manchester City ayaa gashay kaalinta labaad ee shaxda kala horreynta horyaalka Ingiriiska, ka dib markii ay xalay 2-0 uga badisay kooxda Bournemouth oo lagu dheelayay garoonkeeda Vitality Stadium.

Weeraryahanka Man City, Sergio Aguero ayaa kursiga keydka laga soo kiciyay ka dib markii daqiiqadii 14-aad uu ciyaarta dhaawac uga baxay laacibka kooxdaasi usoo baxay ee Gabriel Jesus.

Raheem Sterling ayaa si weyn uga dhex muuqday ciyaarta xalay, waxaana goolka koobaad uu City u saxiixay daqiiqadii 29-aad.

Goolka labaad ayaa ahaa mid uu shabaqiisa ku saray Tyrone Mings, oo daafaca uga dheela Bournemouth, kaasoo cadaadis kala kulmay Aguero.

Kooxda martida loo ahaa ayaa heshay fursado ay gool ku dhalin kartay, balse uma aanay suuraglin in ay soo taabato shabaqa Man City.

Man City ayaa hadda 8 dhibcood ka hooseysa Chelsea oo horyaalka ku hogaamineysa 60 dhibcood.