Mustaqbalka Wenger oo go’aan laga gaarayo

  • 16 Febraayo 2017
Wenger Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Wenger ayaa tababare u ahaa Arsenal tan iyo 1996

Go'aan ku aaddan mustaqbalka uu Arsenal ku leeyahay tababare Arsene Wenger, ayaa la gaari doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Inkastoo guuldarro qaraar ay kooxdaasi xalay kala kulantay Bayern Munich, taasoo 5-1 uga adkaatay, ayaa haddana waxaa muuqata in Wenger uu naadigaasi sii laylin doono ilaa dabayaaqada xilli ciyaareedkan.

67 jirkan ayaa dhawaan loo soo bandhigay qandaraas cusub oo uu Arsenal kula sii joogayo, balse waa mid weli u furan.

Waxaa la filayaa in go'aanka ku aaddan mustaqbalka ninkan Faransiiska ah ay asaga iyo naadiga si isfahan ah ku gaari doonaan.

Wenger ayaa tababare u ahaa Arsenal tan iyo 1996, waxaana heshiiska uu hadda kula jiro kooxdaasi ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Wenger: Arsenal niyad ahaan ayay u burburtay