Ozil: 'Marmarsiinyaa la iiga dhiganayaa dhibaatada Arsenal'

Ozil Lahaanshaha sawirka .

Mesut Ozil ayaa rumaysan in marmarsiinyo looga dhigtay dhibaatada haysata Arsenal, sida uu sheegay wakiilkiisu.

Ozil oo 28 jir ah ayaa la dhaliilay ka dib markii Arsenal ay soo wajahday guuldarradii ka soo gaartay Bayern Munich ka dib markii 5-1 lagu garaacay ciyaartii Arbacadii dhacday ee ka tirsanayd wareegga 16ka kooxood ee Horyaalka Yurub ee Champions League-ga loo yaqaanno.

"Dhaliishu waa wax caadi ah haddii uu ciyaaryahanku u dheelo si aan wanaagsanayn" sidaas waxaa BBC Sport u sheegay Dr Erkut Sogut oo ah wakiilka Ozil.

Wuxuu intaas ku daray in "Mesut uu dareemayo in dadku aysan diiradda saaraynin qaab ciyaareedkiisa; balse ay u isticmaalayaan marmarsiinyo ahaan marka kooxdu aysan si wanaagsan u ciyaarin".

Ozil ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2013kii, isaga oo laga soo bixiyay 42.4 milyan oo gini, isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu qaali sanaa ee ay Arsenal soo gadato Abid, wuxuuna marar badan muujiyay in uu ka mid yahay ciyaaryahannada ugu wanaagsan ee kubadda qaabeeya.

Laakiin marar kala duwan ayaa su'aalo la galiyay hab ciyaareedkiisa, ciyaaryahankan qaranka Jermalka ka dheelana todobaadyaddii u dambeeyay ayay sii korortay falanqaynta lagu hayay.