Millwall oo koobka FA ka reebtay Leicester City

Koobka FA Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Millwall iyo Leicester City

Kooxda Millwall ee ka dheesha League One ayaa guul muhiim ah gaartay, ka dib markii ay xalay 1-0 koobka FA-ga uga reebtay kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City.

Millwall oo qeybtii dambe ee ciyaarta laga saaray daafacooda Jake Cooper, ayaa waxaa daqiiqadii ugu dambeysay goolka guusha u dhaliyay Shaun Cummings.

Kooxdan oo 33 darajo ka hooseysa Leicester ayaa sidaa ku gaartay rubuc dhammaadka koobka FA-ga, waana markii saddexaad ee ay heerkan oo kale gaarto muddo 32 xilli ciyaareed ah.

Leicester City ayaa hadda wajahysa xilli adag, ayadoo hal dhibic oo keliya ka sareysa saddexda koox ee ugu hooseeya horyaalka Premier League-ga.

Dhanka kale, kooxda hadda hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa si sahal ah 2-0 dirtay Wolverhampton Wanderers, waxaana ay sidaa ugu gudubtay rubuc dhammaadka koobka FA-ga.