Leicester oo eriday tababare Claudio Ranieri

Ranieri waxaa tababaraha Leicester loo magacaabay Luulyo 2015 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ranieri waxaa tababaraha Leicester loo magacaabay Luulyo 2015

Kooxda Leicester ayaa eriday tababaraheedii Claudio Ranieri, sagaal bilood ka dib markii uu kooxda u qaaday horyaalka Ingiriiska.

Kooxda oo loo yaqaanno Dawacooyinka waxay iminka hal dhibic oo kaliya ka sarreeyaan heerka looga haro cayaaraha heerka 1aad, ayadoo 13 cayaaroodna ay u dhiman yihiin.

Ranieri oo 65 jir ah ayaa kooxda horyaalka u qaaday, tegitaankiisana wuxuu yimid 24 saac ka dib markii 2-1 ay uga badisay kooxda Spain ka dhisan ee Sevilla, cayaar ka tirsanayd wareegga 16-ka kooxood ee horyaallada Yurub.

Dawacooyinka oo koobka markii ay qaadayeen 10 dhibcood ka horreeyey kooxdii ku xigtay ayaa laga badiyey shantii cayaarood ee u dambeeyay ee horyaalkan ay cayaareen.

Kaaliyaha tababaraha Craig Shakespeare iyo Mike Stowell oo ah tababaraha kooxda 1aad ayaa naadiga sii hayn doona ilaa inta tababare cusub laga soo magacaabayo.

Paolo Benetti iyo Andrea Azzalin oo isku waddan ay ka soo jeedaan Ranieri, kana mid ahaa tababareyaasha ayaa iyagana naadiga ka tegey.

Leicester waxay cayaarta soo socota la leedahay Liverpool, Isniinta, taasoo ka dhici doonta garoonkooda King Power.

Haddii ay ka haraan horyaalka waxay noqon doonaan kooxdii ugu horraysay ee iyadoo horyaalka difaacanaysa ka harta heerka 1aad tan iyo 1938.