Sidee looga hadlay eryidda Ranieri?

Ranieri wuxuu sheegay in riyadiisii ay dhimatay Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Ranieri wuxuu sheegay in riyadiisii ay dhimatay

Tababarihii la eryey ee kooxda Leicester Claudio Ranieri ayaa markii ugu horreysay eryidiisa ka hadlay, isagoo sheegay in riyadiisii ay dhimatay.

Guushii lama filaanka ahayd ee Leicester ay ku guulaysatay horyaalka ingiriiska ayuu ku tilmaamay inay ahayd tii ugu weynayd taariikhda kubbadda cagta, ayadoo dadka wax indha-indheeya ay sheegeen in guushaas saadaalinteeda ay ahayd mid aad u ciriiri badnayd, oo ahayd marka 5,000 loo qaybiyo meel kaliya.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa isna ku tilmaamay cayaartoyda kooxda Leicester inay yihiin danaystayaal, ayna Ranieri loogeen.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp wuxuu isna sheegay inuu la yaabay sahalka lagu eryey Ranieri.

Antonio Conte oo ah tababaraha Chelsea wuxuu ku tilmaamay Ranieri inuu ahaa nin wanaagsan oo riyadiisa ku guulaystay.

Steve Bruce oo ah macallinka Aston Villa wuxuu isna yiri "madaxa ayaan xoqanayaa iminka, waxaanan is weydiinayaa, sidee qof guushaas sannadkii hore uun gaaray hadda loo eryi karaa"?

David Moyes oo ah tababaraha Sunderland wuxuu yiri "maalin murugo leh ayey u tahay tababarayaasha dunida oo dhan, waana ka xumahay waxa ku dhacay Claudio".

Cayaartoygii hore ee weerarka uga cayaari jiray England Gary Lineker wuxuu isna sheegay in Ranieri uu mudnaa in taallo loo dhiso.

Magacyada ilaa 10 tababare ayaa la hadal hayaa, waxaana ka mid ah Roberto Mancini, Roy Hodgson, Alan Perdew, Harry Redknapp, iyo Craig Shakespeare oo hadda kooxda si ku-meel-gaar ah gacanta ugu haya.