Aayaha Yurub marka Britain ay ka baxdo

Ra'iisul wasaaradda Poland Beata Szydlo waxay ka dhawaajisay inay diiddan tahay in midowga isdhexgalkiisa heer kale loo sii gudbiyo, ayadoo laga cabsanayo in dalal kale ay noqdaan kuwo laga tegey. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ra'iisul wasaaradda Poland Beata Szydlo waxay ka dhawaajisay inay diiddan tahay in midowga isdhexgalkiisa heer kale loo sii gudbiyo, ayadoo laga cabsanayo in dalal kale ay noqdaan kuwo laga tegey.

Hogaamiyeyaasha midowga Yurub ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay midnimadu leedahay, ka hor ka bixitaanka la filayo in Britain ay ka baxdo kooxda.

Madaxweynaha golaha Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee 27-ka dal ee ku haraya midowga loo baahan yahay inay noqoto adkaynta is aaminaadda, ayagoo ka xaajoonaya xawaaraha dhinacyada kala duwan ee Yurub ku socoto.

Ra'iisul wasaaradda Poland Beata Szydlo ayaa ka dhawaajisay inay diiddan tahay in midowga isdhexgalkiisa heer kale loo sii gudbiyo, ayadoo laga cabsanayo in dalalka qaar ay noqdaan kuwo laga tegey.

Waxay sheegtay in midowga Yurub uu wajahayo kala qaybsanaan weyn, haddii talalka itaalka roon ay iyaga uun is dhexgal sameeyaan.

Laakinse madaxa guddiga Yurub Jean-Claude Juncker wuxuu sheegay in tani aysan la mid noqon doonin "daah cusub oo bir ah" oo u dhaxaynaya bariga iyo galbeedka. Wuxuu kaloo soo qaaday in maalin uun ay Britain soo weydiisan doonto inay dib ugu soo noqoto midowga Yurub.