Lukaku oo aan rabin inuu Goodison Park sii joogo

Romelu Lukaku Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Romelu Lukaku

Weeraryahanka kooxda Everton iyo xulka Belgium Romelu Lukaku ayaa diiday heshiiskii ugu lacagta badnaa oo kooxdiisa everton ay abid cayaartoy u gaarto.

Kooxda ayaa sheegaysa inay ku kalsoon tahay in Lukaku uu ogolaan doono heshiiskaas oo shan sano soconaya, todobaad kastana uu cayaartoygaas qaadan doono 140,000 oo Gini.

Laakin Lukaku ayaa u sheegay kooxda inuusan danaynayn heshiiskaas, waxaana la sheegayaa inuu doonayo inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Chelsea oo 28 Malyan oo Gini ay Everton uga soo gadatay 2014.