Barcelona oo taalo u dhisaysa xiddigoodii Johan Cruyff

Cruyff wuxu kooxda Barca u horseeday guushii ugu ay ku hanteen horyaalka dalka Spain muddo 14 sanadood ah gudahood sanadkii 1973 Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Cruyff wuxu kooxda Barca u horseeday guushii ugu ay ku hanteen horyaalka dalka Spain muddo 14 sanadood ah gudahood sanadkii 1973

Kooxda Barcelona ayaa taalo lagu xusi doono ciyaaryankoodii hore, marna ahaa tababaraha kooxda, Johan Cruyff, uga dhisaysa garoonkooda Nou Camp Stadium.

Sidoo kale waxa naadigu garoon cusub oo loo dhisayo kooxdooda heerka labaad ka ciyaarta loogu magac dari doonaa ciyaartoygaa hore ee u dhashay dalka Holland.

Barcelona waxay arrintan shaacisay maalin uun ka dib sannad guuradii koobaad ee geeridii Cruyff oo ku dhintay 68 jir.

Cruyff intii uu marna kooxda u safanayey marna tabobaraha u ahaa wuxu u soo hooyey naadiga 13 koob oo uu ku jiro European Cup oo markii ugu horraysay ay qaadeen 1992.

Wiilkiisa Jordi ayaa sidoo kale sheegay in qoyskoodu naadiga Barcelona ugu deeqi doonaan sagaal garan oo kuwii aabihii ku ciyaari jiray ah iyo billadii abaal marinta ciyaartooyga sannadka ee uu qaatay sannadkii 1974-kii oo la dhigi doono matxafka cusub ee kooxdu u samaynayso Johan Cruyff.

"Waa heshiis nooga dhigan in aabahay mar walba dhex joogi doono kooxdii uu jeclaa" ayuu yidhi Jordi Cruyff.