Suuriya ma ka qeybgaleysaa koobka kubadda cagta ee adduunka?

. Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption .

Waxay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku dhammaatay gool la'aan, waxeyna yareysay rajadii Suuriya ee ahayd in markii ugu horeysay ay ka qeybgasho koobka adduunka.

balse daqiiqadihii dheeraadka intii lagu guda jiray, Cumar Kharbin ayaa geesinimo la yimi, gool ku laab ayuuna ka dhaliyay Uzbekistan, wuxuuna xulka dalkiisa u suurageliyay in ay sare u kacdo rajadooda ah in Ruushka ay tagaan 2018-ka. Waa tiigsi u rumoobay Suuriya.

Suuriya oo kaalinta afaraad ku jirtay ayaa badintaasi ka dib hal dhibic ka kor martay kooxda ay iska soo horjeedeen ee group-A ay kuwada jiraan.

Waxay sidaasi uga mid noqotay labada koox ee ugu sareeya ee u gudbay koobka kubadda cagta ee dunida.

Xilligan sheekada ugu horeyso ee Suuriya waa ciyaaraha, Kooxda Suuriya waxay kulamada oo dhan ku dheeleen garoomo ka baxsan dalkooda.

Taxliilin

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Ciyaartoyda Suuriya oo dabaaldegaya guusha ka dib

Asigoo eegaya Rajada iyo riyada uu ku qabo dal garbihiisa saaran ayaa Cumar Kharbin wuxuu dhaliyay gool ku laad aad u quruxbadan.

Xaqiiqdii waxay ahayd go'aan geesinimo leh oo u dhexeeyay halis iyo horumar isku milan.

Laakiin waxay arrinta guud tahay in la sii wado ruuxda iyo joogteynta qaabka ciyaaraha ee kooxda Suuriya.

Waxay aaminsan yihiin in ay u jeedadoodu ay ka sareyso u gudbidda tartanka koobka dunida, waxayna doonayaan in ay noqdaan calaamadda midnimada.

Waxay dareemayaan in shacabka Suuriya ay u aasaasayaan wax ay ku farxaan, maadaama dalka uu sanadkii todobaad uu ku jiro dagaal.

Farxad weyn ayey noqotay markii firimbigii ugu dambeeyay la yeeriyay. Ku xigeenka Tababaraha kooxda Suuriya ayaa ooyay markii ay ciyaarta dhammaatay.

Asigoo illin ay ka qubaneyso ayaa wuxuu sheegay in guusha ay gaareen shacabka Suuriya.

Kooxda waxay u safrayaan Seoul, 28-ka bishan, si ay dhab uga soo dhigaan riyada ah in 2018-ka ay ka qeybgalaan ciyaaraha koobka adduunka ee Ruushka uu martigelinayo.

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Ciyaartoyda Suuriya laba kullan ayey badiyeen, labana barbardhac ayey galeen

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan