Maradona oo dacweynaya shirkad samaysa cayaaraha Fiidiyowga

Wuxuu sheegay in qareenkiisu "uu bilaabi doono tallaabo sharci ah" oo laga qaadayo shirkadda cayaarahaas samaysa ee dalka Japan.
Image caption Wuxuu sheegay in qareenkiisu "uu bilaabi doono tallaabo sharci ah" oo laga qaadayo shirkadda cayaarahaas samaysa ee dalka Japan.

Diego Maradona ayaa sheegay inuu ka dacwoonayo shirkadda samaysa cayaarta Pro Evolution Soccer video game ee la yiraahdo Konami.

Wuxuu ka carooday in qof u muuqaal eg magaciisa loo isticmaalay.

Boggiisa Facebook ayuu ku sheegay in qareenkiisu "uu bilaabi doono tallaabo sharci ah" oo laga qaadayo shirkadda cayaarahaas samaysa ee dalka Japan.

Image caption Hadalka ayuu ku qoray boggiisa Facebook

BBC oo weydiisay qaabka loo maray xuquuqda Maradona ayaan jawaab ka helin shirkadda.

Ma aha markii ugu horraysay ee shirkad samaysa cyaaraha fiidiyowga loo qabsado inay xuquuq ku xad gudubtay.

Shirkad leh xuquuqda sawirrada jirka lagu xardho ee K/kolayga Maraykanka (NBA) ayaa dacweynaysa laba shirkadood oo kala ah take-Two Interactive iyo Visual Concepts oo sameeya cayaarta la yiraahdo NBA2K.

Sababtu waxay tahay ayagoo isticmaalay sawirrada cayaartoyda ruqsad la'aan.