Arsenal: ka mid noqoshada afarta kaalmood ee hore "siday u muuqato uma sahlana"

Arsenal ayaa afarta kaalmood ee hore ku dhamayn jirtay xilli ciyaareed kaste tan iyo markii uu Wenger ku soo biiray 1996dii Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Arsenal ayaa afarta kaalmood ee hore ku dhamayn jirtay xilli ciyaareed kaste tan iyo markii uu Wenger ku soo biiray 1996dii

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisu ay la daalaadhacayso in ay muujiso in ay xilli ciyaareedkan ku dhamayn karto afarta kaalmood ee u horeeya Horyaalka Ingiriiska ee Premier League "isla markaasna aysan arrintaasi u sahlanayn sida loo arko".

Tababarahan Faransiiska u dhashay ayaa labaatankii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay kooxda Arsenal u horseeday ka mid noqoshada afarta kooxood ee ugu horeeya Horyaaalka Ingiriiska iyo ka qaybgalka koobka Yurub ugu qaalisan ee Champions League.

Laakiin 10 ciyaarood ayaa dhiman haddana waxay ku jiraan kaalinta lixaad, kooxda u hoosaysa afarta kaalmood ee horana waxay ka hooseeyaan todobo dhibcood.

Laakiin Wenger ayaa sii raaciyay in ka mid noqoshada afarta kaalmood ee hore ay tahay hardan laga miro dhalin karo

Labaatan sano ayaan afarta kaalmood ee hore kooxda gaarsiin jirnay dadkana waxba umayna arki jirin, laakiin hadda isbadal ayaa yimid arrin aad u muhiim ah ayayna noqotay, marka waan ku faraxsanahay in ay dadka u xaqiiqawday in aysan hawshu u sahlanayn sida ay u muuqato, ayuu yiri Wenger.