Lingard oo la sii joogaya Manchester United

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lingard (dhexda) oo u dabaaldegaya guusha koobkii ay qaadeen Febraayo ee EFL.

Laacibka khadka dhexe uga cayaara Manchester United, Jesse Lingard, ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo, isagoo usbuuciiba qaadanaya £100,000.

Lingard oo 24 jir ah, sidoo kalena ka tirsan xulka England, wuxuu kooxda la joogi doonaa ilaa 2021, ayadoo ay dhici karto in heshiiska loo sii dheereeyo.

Wuxuu kooxda ku soo biiray isagoo 7 jir ah, wuxuuna u saftay ilaa hadda 70 kulan.

"Manchester United mar walba waxay ahayd qayb weyn oo noloshayda ka mid ah" ayuu yiri. "sharaf ayaan dareemaa mar walba oo aan xirto funaanadda guduudan" ayuu sii raaciyey.

Hore waxaa u jiray warar sheegayey in deyn lagu siin lahaa Leicester, Birmingham iyo Brighton ka hor intii cayaartiisii ugu horraysay uusan safin macallinkii ka horreeyey Jose Mourinho ee Louis Van Gaal, taasoo ahayd cayaartii lagu furay xilli cayaareedkii 2014-15 ee ay la yeesheen Swansea.

Xilli cayaareedkan 29 cayaarood ayuu u dheelay kooxda, wuxuuna dhaliyey 5 gool.