Sanchez oo raba in uu sii joogo Arsenal

Alexis Sanchez Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption Alexis Sanchez joined Arsenal from Barcelona in 2014

Ciyaaryahanka Arsenal uga dheela afka hore Alexis Sanchez ayaa doonaya in uu joogo haddii la is fahmo, sida uu sheegay tababaraha kooxda Arsene Wenger.

Ciyaaryahankan reer Chilea oo 28 jir ah ayaa kooxda Arsenal qandaraas ka haysta ilaa iyo xagaaga sanadka soo socda ee 2018ka, wargeysyada qaar ayaase sheegaya in uu jeclaan lahaa in uu ku biiro kooxda Chelsea.

"Waxaan rumaysanahay in uu rabo in uu kasii tirsanaado kooxda waxayna ku xiran tahay in heshiis lala gaaro wakiilkiisa" ayuu yiri Wenger.

Ciyaartoydu waa in ay fiiriyaan in ay heshiis la gaarikaraan kooxda oo ay ku faraxsan yihiin, arrintaas dadka ku hawlan ee qorshaynayana waxaa ka mid ah waaxda maaliyadda ee kooxda.

Sanchez ayaa Arsenal kaga soo biiray Barcelona isaga oo laga soo bixiyay 35 milyan oo gini sanadku markuu ahaa 2014kii, xilli ciyaareedkanna kooxda Arsenal u dhaliyay 22 gool.

Si kastaba ahaatee, Arsenal ayaa markale u muuqata in aysan ku guulaysanaynin Horyaalka Ingiriiska ee Premier League iyo weliba in aysan ka qaybgali doonin horyaalka Yurub ee Champions League, wararka qaar waxay tilmaamayaan in laga yaabo in Sanchez uu fiirinayo siddii uu uga tagi lahaa garoonka Emirates.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan