Man United oo cadaadiska ku sii badisay Sunderland

Zlatan Ibrahimovic ayaa 17 gool ka dhaliyay Horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan, tiradaas oo la mid ah goolasha uu Chelsea u dhaliyay Diego Costa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Zlatan Ibrahimovic ayaa 17 gool ka dhaliyay Horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan, tiradaas oo la mid ah goolasha uu Chelsea u dhaliyay Diego Costa

Sunderland oo horyaalka Ingiriiska ugu hoosaysa oo rajaynaysa in ay ka badbaado in laga eryo koobkan ayaa cadaadis kale kala kulantay kooxda Manchester United oo si dhib yar uga badisay, haddana gashay kaalinta shanaad.

Sunderland ayaa 10 ciyaartooy ku dheelaysay in kabadan 45 daqiiqo ka dib markii si muran ka dhashay kaarka cas loo siiyay Sebastian Larsson, ka dib markii uu khalad ka galay Ander Herrera.

Zlatan Ibrahimovic ayaa United u dhaliyay goosha koobaad isaga oo ka soo toogtay meel 20-yaardi u jirta goosha.

Henrikh Mkhitaryan ayaa 2 iyo 0 ka dhigay ka hor inta uusan goosha saddexaad dhalinin Marcus Rashford.

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Sebastian Larsson ayaa markii u horaysay laga saaray ciyaar ka tirsan Horyaalka Ingiriiska isaga oo saftay 278 kulan

Sunderland ayaa 10 dhibcood ka hoosaysa booska ay ku nabadgali karto, wax gool ahna maysan dhalinin toddobo ciyaarood.

United oo Arsenal ka kormartay ayaa iyadana afar dhibcood ka hoosaysa Manchester City oo kaalinta afraad ku jirta, laakiin hal ciyaar oo ka baaqatay ayay dheeli doontaa.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan