3 dal oo raba in ay wadajir u martigaliyaan Koobka Adduunka ee 2026

Koobka Adduunka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Koobka Adduunka ee 2026-ka ayaa waxaa ka qeybgali doona 48 dal

Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa shaaciyay in ay doonayaan in si wadajir ah ay u martigeliyaan ciyaaraha koobka adduunka ee dhici doona sanadka 2026.

Haddii ay codsigaasi ku guulaystaan, waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee ay saddex dal si wadajir ah u qabtaan tartan ay FIFA leedahay.

Madaxa xiriirka kubadda cagta Maraykanka, Sunil Gulati, oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in saddex meelood laba meel ciyaarahaasi ay ka dhici doonaan Marayaknka.

Waxa uu intaa ku daray in Canada iyo Mexico ay martigelin doona min toban ciyaarood, waa haddii lagu guulaysto codsigaasi.

Horaantii sanadkan, FIFA ayaa ansixisay qorshe lagu ballaarinayo dalalka ka qeybagalaya koobka adduunka ee 2026, waxaana ay noqon doonaan 48 dal.