Ranieri: 'qof baa ka shaqeeyay shaqo ka eryidayda'

Claudio Ranieri Lahaanshaha sawirka PA

Tababarihii hore ee kooxda Leicester City, Claudio Ranieri ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qof ka mid ah kooxda uu ka dambeeyay in shaqada laga eryo.

Balse waxuu intaasi raaciyay in ciyaartoydu aysan wax shaqo ah ku lahayn arrinta shaqada looga eryey.

Macallinkan ayaa kooxda Leicester oo lagu naanayso dawacooyinka u horseeday inay qaadaan Horyaalka Ingiriiska. Balse waxaa shaqada laga eryey bishii Febraayo.

Isagoo la hadlayay telefishinka Sky Sports ayuu yiri "Maya ma aaminsani in ciyartoyda kooxda ay shaqada iga eryeen, maya maya.

Waxuu intaas raaciyey "waxaa jira qof kale oo arrinkani ka dambeeya, sanadkii hore waxaa jiray dhibaatooyin yaryar balse waan guullaysanay, sanadkan markii aan hoos u dhacnay ayaa laga faa'iidaystay".

Tababare Ranieri markii shaqada laga eryeyey kooxda Leicester waxay hal dhibic oo kaliya ka koraysay saddexda darajo ee ugu hooseeya Horyaaalka Ingiriisk.

Waxaana lagu badalay ku xigeenkiisa oo markuu kooxda qabtay ku guullaystay shan ciyaar oo isku xiga.

Wuxuu sidoo kale kooxda gaarsiiyey 16-ka kooxood ee isugu soo haray Horyaalka Yurub ee Champions League loo yaqaanno.

Macalin Ranieri oo 65 jir ah ayaa diiday inuu caddeeyo qofka uu farta ku fiiqayo ee uu u mallaynayo inuu ka dambeeyey shaqada laga qaaday.

'Ma doonayo inaan iraahdo waa hebel ama hebel, waxaan ahay qof daacad ah waxaan sheegayo ma qariyo' ayuu yiri tababarihii hore ee kooxda Leicester.