Maalgashadeyaal Shiinays ah oo gatay AC Milan

Ra'iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga oo kooxdan lahaa ayaa ka iibiyay shirkad Shiinays ah Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Ra'iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga oo kooxdan lahaa ayaa ka iibiyay shirkad Shiinays ah

Maalgashadeyaasha Shiinays-ka ah ee leh shirkadda Rossoneri Sport Investment Lux ayaa dhamaystiray qandaraaskii ay kula wareegayeen kooxda kubadda cagta ee AC Milan, arrintaas oo sare u qaadaysa awoodda dhaqaale ee naadiga.

Naadigan oo ka dheela horyaalka talyaaniga ee Serie A waxaa lahaa ra'iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlausconi tan iyo 1986-dii.

Wakhtigaas waxay ku guulaysteen siddeed koob oo horyaalka Talyaaniga ah iyo shan koob oo kuwa Yurub laga dheelo.

Si kastaba ha ahaatee 2011kii ayaa u dambaysay horyaal ay qaadaan.

koobkii u dambeeyay ee horyaal ah ee ay qaadaan wuxuu ahaa sannadkii 2011kii, saddexdii sano ee u dambeeyayse waxay ku dhameeyeen kaalinta tobnaad iyo midda siddeedaad.

Hadda waxay ku jiraan kaalinta lixaad ee horyaalka Talyaaniga, 20 dhibcood ayayna ka hooseeyaan Juventus oo kaalinta koobaad ku jirta.