Abaarah ka taagan Somaliland oo saameyn ku yeeshay ganacsiga farsamada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaraha ka taagan Somaliland oo saameyn ku yeeshay ganacsiga farsamada

Dadka farsamada birta ku shaqeysta ee ka sameeya waxyaabaha guryaha looga baahanyahay ayaa kamid ah dadka ay saameynta ku yeelatay ganacsigooda abaarta ka taagan deegaanada Soomaaland, iyagoo sheegaya farsamayaqaannadu in reer miyigii soo safri jiray ee wax ka iibsan jiray aanay haatan jirin abaarta awgeed.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa tegay suuqa weyn ee Hargeysa, gaar ahaan meelaha birta ay ku tumaan farsamayaqaanadu, warbixintan ayuuna inooga soo diray.