Conte: "Guuldarradii Manchester United anaa masuul ka ah"

Antonio Conte Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte ayaa sheegay in uu qaadanayo masuuliyadda guul daradii kooxdiisa ka soo gaartay Manchester United, isla markaasna uusan kooxda ku qaadin sidii ay ku badin lahaayeen.

Chelsea ayaa 2-0 lagaga badiyay ciyaartii ka dhacday garoonka Old Trafford, haddana afar dhibcood ayay ka koreeyaan Tottenham inkastoo ay 10 dhibcood ku hogaaminayeen bishii Maarso.

"Ciyaar wanaagsan maanaan dheelin, United-na way u qalantay in ay badiso," ayuu yiri Conte.

"Waxay muujinaysaa in ay ka go'antahay in ay badiyaan, wayna naga niyad wanaagsanaayeen, taasi haddii ay jirtayna, khaladka tababarahaa iska leh.

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Gool haye Asmir Begovic waxaa daqiiqaddii todobaad gool ka dhaliyay Marcus Rashford

Tottenham ayaa muujisay in aysan wali ka rajo dhigin hanashada Horyaalka Ingiriiska iyadoo todobo jeer oo isku xigta guulaysatay, halka ay Chelsea ka guul daraysatay labo jeer oo ka mid ah afartii kulan ee u dambeeyay ee ay yeelato.

Labadan kooxood ayaa Sabtida soo socota isku arki doona garoonka Wembley Sabtida, iyaga oo yeelan doona ciyaar ka tirsan koobka FA.