Shuban biyood laga soo sheegayo gobolka Awdal
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shuban biyood laga soo sheegayo gobolka Awdal

Gobolka Awdal ayay dhawr qof ugu dhinteen shuban biyood, shubankan ayay wararku sheegayaan in uusan weli baahin oo uu ku kooban yahay deegaannada ku hareeraysan magaalada Boorama.

Sababaha loo aanaynayo in ay dhaliyeen shuban biyoodkan ayaa waxaa ka mid ah in ay dadku ka cabbeen biyo galay balliyada markii roobab aan sidaasi u badnayni ka da'een bishii hore deeganno ka mid ah gobolka Awdal.

Haddaba si aan xog dheeraad ah uga helno xaaladdu sida ay tahay iyo duruufaha dadka uu shuban biyoodkaasi soo ritay, ayaanu ka waraysanay duqa magaalada Boorama,

Maxamed Xuseen Maydhane ayaa u warramay Suhayba Maxamed Badqas, waxayna ugu horrayn weydiisay bal inuu faahfaahin ka bixiyo shuban biyoodkan dadka soo ritay?