Barakacayaal horleh oo soo gaaray duleedka Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal horleh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

Tobannaan qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolo badan oo Soomaaliya ah, ayaa maalin kasta gaara duleedka konfuureed ee magaalada Muqdisho.

Dadkaasi qaarkood dhul aad uga fog ayay caasimadda uga soo lugeeyeen halka qaarkood ay u suurtagashay inay gaadiid soo raacaan.

Duruufo aad u adag ayay wajahayaan qoysaskaasi yaala bannaanka Muqdisho. Inkastoo uu jiro gurmad gudaha iyo dibadda ah, haddana baaxadda dhibaatada ayaa aad uga sareysa, ka jawaab celinta baahiyaha ay qabaan qoysaskaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo booqday meelaha ay yimaadeen qoysaska cusub ayaa warbixinta inooga soo diray.