Muqdisho oo lagu soo bandhigay Buug lagu ururiyay ilaa labo kun oo maahmaahyood
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo lagu soo bandhigay Buug lagu ururiyay ilaa labo kun oo maahmaah

Magaalada Muqdisho waxa lagu soo bandhigay Buug lagu ururiyay ilaa labo kun oo maahmaah oo ka hadlaya hab dhaqanka Soomaalida, kuwaas oo isugu jira lahjadaha maxaad tiri iyo maay.

Qoraaga Buugan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Khaliifa ayaa sheegay inuu ururiyay ilaa sedeed kun oo maahmaahyo, mudo labo iyo toban sano ahna ay ku qaadatay hawshaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo ka qaybgalay bandhiga buugaasi, ayaa wareystay Cabdiraxman Sheekh Khaliifa, waxa uuna marka hore weydiiyay nuxurka buugiisa.