Kooxda Arsenal oo gaartay guul muhiim ah

Kooxda Arsenal Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kooxda Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa xalay gaartay guul muhiim u ahayd oo ay kaga badisay kooxda Leicester. Hal gool iyo eber ayay Arsenal ku badaisay, waxaana lagu ciyaarayay garoonka kooxda Arsenal. Arsenal ayaa guushani ay gaartay aad ugu baahnayd waxayna hada gashay kaalinta lixaad.

Kooxda Midlesbrought ayaa Iyana ka guul gaartay kooxda Sunderland oo ay wada ciyaareen. Tottenham oo iyadu cayrsanaysa kooxda Chelsea ayaa ka badisay kooxda Crystal Palace. Tottenhan iyo Chelsea ayaa kala koreeya afar dhibcood oo kaliya oo Chelsea ayaa hogaanka haysa.

Caawa waxaa wada ciyaaraya kooxaha Manchester United iyo Manchester City, waana ciyaar muhiim ah. Horyaalka kubada cagta ee England ayaa gebogebo ku dhow, Kooxahana waxay ku jiraan xifaaltan xoogan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciyaartii kooxda Arsenal