Natiijada ciyaartii dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Manchester City

Ciyaartii dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Manchester City
Image caption Ciyaartii dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Manchester City

Ciyaar aad loo sugayay ayaa xalay dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Manchester City.

Labadan kooxood ayaa ka wada dhisan magaalada waqooyiga England ku taala ee Manchester. Barbardhac ayay ciyaartu ku dhamaatay waxaana sidoo kale karaka casaanka qaatay ciyaaryahan Fellaeni. Macallinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay kooxdiisa.

Barbardhaca labadan kooxood ayaa waxay faa'iido u tahay kooxda Chelsea oo hogaanka haysa. Manchester City ayaa United ka korraysa hal dhibic oo kaliya, iyadoo horyaalka kubadda cagta ee England uu hada ku ku dhow yahay heer gebogebo ah.