Sunderland oo ka hartay heerka 1aad

Joshua King oo goolka ka dhaliyey Sunderland ayaa loo aqoonsaday laacibkii cayaarta. Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Joshua King oo goolka ka dhaliyey Sunderland ayaa loo aqoonsaday laacibkii cayaarta.

Muddo 10 sano ah oo Sunderland ay ka cayaaraysay heerka 1aad ee Premier League ayaa soo afjarmay, ka dib markii garoonkeeda, Stadium of light, ay uga badisay Bournemouth.

Joshua king ayaa Bournemouth u dhaliyey goolka qura ee ay ku badiyeen cayaarta oo laba daqiiqo oo kaliya ay ka dhiman tahay.

Guuldarrada oo ah tii 23aad ee kooxda soo marta xilli ciyaareedkan ayaa la micne ah in 'Bisadaha madow' ay ka hareen horyaalka.

Haddii 0-0 ay ku dhamaan lahayd xataa wax weyn kama badbaadiseen natiijadaas, maadaama ay rajo sii gelin lahayd hal todobaad oo kale.

Wax badan iskama beddelin kooxda markii uu ka tegey Sam Allardyce oo naadiga ka badbaadiyey in Premier League laga saaro xilli ciyaareedkii hore. Waxaa beddelay David Moyes oo guul darrooyin is xigxigay ay dhabarka u saarnaayeen.