Rajadii Tottenham ee horyaalka Ingiriiska oo wiiqantay

Manuel Lanzini Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Manuel Lanzini ayaa dhaliyay goolka keliya ee ciyaarta

Kooxda Tottenham oo ku daba dhagnayd Chelsea, ayaa xalay waxa ay guuldarro qaraar kasoo gaartay ciyaartii ay la dheeshay West Ham, oo ay ka wada dhisan yihiin caasimadda London.

Ciyaarta oo ku idlaatay 1-0 ayaa waxaa goolka qura West Ham u dhaliyay Manuel Lanzini, kaasoo ka faa'iidaystay khalad ka dhacay difaaca Tottenham.

Haddii ay xalay badin lahayd kooxda tababare Mauricio Pochettino, ayaa waxa ay hal dhibic oo keliya ka hoosayn lahayd Chelsea, oo habeenka Isniinta ah la dheeli doonta kooxda reebid ka cararka ah ee Middlesbrough.

Balse Chelsea ayaa hadda u baahan in ay badiso laba kulan oo ka mid ah afarta u harsan, si ay u hanato horyaalka.

Kooxda tababare Antonio Conte ayaa horyaalka qaadi doonta 12-ka bisha May, waa haddii ay ka badiso Middlesbrough iyo West Brom.

Ciyaartooyda Tottenham ayaa aad uga xumaaday guuldarada kasoo gaartay garoonka London stadium, ayagoo u muuqday kuwo raja beel ah, waxaana hadda ay rajaynayaan in Chelsea ay guuldarooyin la kulanto si ay isugu dayaan in ay soo qabtaan.